Siciid Joogsade oo sharci daro ku tilmaamay xilka ka qaadistii lagu sameeyey

Afhayeenkii Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland Siciid joogsade ayaa ka soo horjeestay xilka qaadis lagu sameeyey.

Saciid joogsade ayaa xilkan hayey muddo dhowr bilood ah, iyadoo xilka ka qaadistiisa ay timid ka dib wareegto ka soo baxday Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland.

Balse afhayeenka xilka laga qaaday ayaa ku gacan seyray talaabadan, waxaana uu sheegay inaan lagu wargelin, xilka ka qaadista lagu sameeyey uuna ku arkay baraha Bulshada.

Waxaa uu intaas ku daray in xilka qaadistan ay tahay mid sharci daro ah.

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Afhayeenkii Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland Siciid Joogsade oo ka mid noqonaya dhowr afhayeen oo horey u soo maray Wasaaradaas.

Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur Janan oo ah Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Afhayeenka cusub ee Wasaaradaas u magacaabay Cabdinuur Ibraahim Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -